Al-Shabaab oo lagala wareegay degaano cusub & Saraakiil War ka soo saaray

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee degmada Baardheere ayaa sheegay iney wadaan howlgal ballaaran oo Al-Shabaab ay kaga saarayaan degaanno dhaca Galbeedka degmada Baardheere.

Howlgalkan ayey saraakiishu sheegeen inuu bilowday ka dib cabasho uga timid dadka shacabka ah ee ku nool degaano hoostaga degmada Baardheere gaar ahaan tuulooyinka Reydab iyo Baar Macalin.

Xidigle Maxamed-weli Cabdullaahi Xirsi Abaanduullaha Guutada 1-aad qeybta 43aad ayaa sheegay in degaanada ay howlgalka ka fuliyeen ay 40-km dhinaca galbeed ka xigaan degmada Baardheere, isla markaana ay Al-Shabaab ka wadeen dhac uu sheegay iney u geysanayeen dadka xoolo dhaqatada ah.

“Ciidamada dowladdu waxay la wareegeen Saldhigyadii Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada Reydab & Baar-Macalin ka dib weerar aan ku qaadnay, khasaare badana waan u geysanay” ayuu yiri Xidigle Maxamed-weli Cabdullaahi Xirsi.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan deegaannnada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -